February 8, 2023

Xafiiska hantidhowrka Sweden ayaa soo saaray warbixin eedeyn musuqmaasuq ah oo ka dhan ah qaar ka mid ah safaaraha Sweden ay ku leedahay dibadaha.

Eedeymahaan ayaa ku qotoma musuqmaasuq ay sameeyaan saraakiisha safaradahaan oo lagu eedeeyay ay lacago ku qaataan soo hormarinta waqtiga interveiw ga ama wareysiga lala yeelanayo dadka ka dalbada sharciga deganaanshaha oo waqti dheer qaata.

Xafiiska hantidhowrka oo ka jawaabaya sida ay ku ogaadeen eedeymaha ayaa sheegay in ay dib u eegeen dhamaan eedeymaha la xiriira arintaan waxaana u soo baxday in ay jiraan dulduleela badan oo muujiyay in ay jiraan eedeymahaan taas oo keentay in sanadkii tagay 2017 ay badeen eedeymahaan.

Safaarada Urdun ayaa ka mid ah safaaradaha laga shakiyay ee ay quseyso warbixintaan iyadoo waqtiga balanta interviewka la iibiyo oo loo soo dedejiyo qofkii bixiya lacag sida lagu sheegay eedeyntan.

 

Somali Media News

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *