February 8, 2023

Waraka qoxootiga iyo isdhexgalka ayaa noqday wararka ugu badan ee lagu hadal hayo warbaahinta iyo barasha xiriirka bulshadda sida lagu shaaciyay daraasad uu dhowaan sameeyay Fredrik Furtenback oo ka tirsan waaxda falanqeynta wararka gudaha ee raadiyaha Sweden.

Fredrik oo ka hadlayay daraasadaan ayaa sheegay in daraasadaha noocaan ah ay sameeyaan sanadkasta si ay u soo bandhigaan waxa ugu badan ee bulshadda ay hadal hayaan , waxaa horey noo soo maray arimo badan oo kuwa ugu muhiimsanaa ay ahaayeen in dhalaanka kaligood imaada dalkaan loo ogolaado in ay joogaan dalkaan iyo in kale, iyadoo sanadkii la soo dhaafayna aad loo hadal hayay dambiyadda soo batay iyo ciqaabta ay mudan yihiin.

Hase ahaatee hada waxaa muuqata in ay wax iska badeleen oo dooda xoogeeda ay u badatay arimaha qoxootiga iyo isdhexgalka iyo sida ay tahay in loo maareeyo.

Fredrik ayaa intaasi ku daray in doodaha noocaan ee warbaahinta iyo baraha bulshadda shiiqiyay ay la xiriiraan siyaasadaha ay ku doorasho galayaan xisbiyadda siyaasadda dalka oo sanadkaan ku loolamaya hogaaminta dalka iyadoo bulshadana ay si taxadar leh ula socdaan bandhigyada siyaasadeed ee xisbiyadda oo ay ka dhex eegayaan sabab ay codkaada ku siiyaan.

 

Somali Media Borlange

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *