February 8, 2023

Dalalka ku midaysan ururka midowga yurub ayaa todobaadkaan waxaa ka hirgalay sharci cusub oo lagu ilaalinayo xogta shaqsiga ee computerada ama digitaalka kaas oo magaciisa loo soo gaabiyo GDPR.

Shirkadaha iyo shaqsiyaadka sida qaldan u isticmaala xogta noocaan ah ayaa muteysanaya ganaax adag oo qarash ahaan gaari kara malaayiin doolar sida uu qorayo sharcigaan.

Sweden ayaa sharcigaan ku badeshay sharcigii horey ugu degsanaa dhowrista xogta shaqsiga ee loo yaqaanay personuppgiftslagen, iyadoo sharciga hore uusan laheyn wax ganaax am ciqaab ah oo ay muteysan karaan shirkadaha, hay’adaha iyo shaqsiyaadka sida aan wanaagsaneyn u adeegsada xogta ku keydsan internetka ee aysan u haysan wax ogolaansho ah.

Hase ahaatee shirciyaan cusub ee dhaqan galay todobaadkaan ee GDPR ayaa qaba in si adag loola dhaqmo shirkaha, hay’adaha iyo shaqsiyaadka ku xaqgudbaan xogta internetka iyagoo aanan u haysan wax fasax ah.

 

Somali Media Borlange

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *