November 28, 2022

Hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo shir aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo difaaca dadka reer Falastiin ee gumaadka iyo tacadiga ay ku hayaan Ciidamada Israel.

Shirka Madaxda Ururka Islaashiga Islaamka ayaa waxaa iclaamiyay dowladda Turkiga, kaddib markii Ciidamada Israel ay todobaadkii hore xasuuqeen dad ka badan 60 ruux oo Falastiin ah, kuwaasoo ka dibad baxayay tallaabada Mareykanka uu safaarad uga furtay magaalada barakeysan ee Qudus.

Ururkan Iskaashiga Islaamka oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah, waxaana ay ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeyb qaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israel ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *