Goobaha uu dabka ugu weyni ka ololayo dalka ayaa hal arin ka siman taasoo ah isagoo waxyeeleeyay degmooyinka yar yar.
Dabka ugu weyn ayaa ka ololaya degmada Ljusdal taasoo sababtay iney shaqaale badan oo degmada u shaqeeyaa soo af-jaraan fasaxyadoodii kuleeylaha oo ey dib ugu soo noqdaan howlihii.
Mikael Björck, ku xigeenka gudoomiyaha degmada Ljusdal:
– Ma jiro qof aan la hadlay oo hadal ka soo celiyey ku soo noqoshada goobta shaqada. Qof walba waa u diyaar inuu soo noqdo isagoo doonaya innuu gacan ka geysto dabka keeymaha ka holcaya. Waxaa kaloo muhim ah iney shaqadii caadiga aheyd ee degmada halkeedii ka sii socoto iyada oo xaaladdan lagu jiro, ayuu yiri, Mikael Björck, ahna gudoomiyaha degmada Ljusdal.
Degmada Ljusdal ayaa dabka ka ololaya keeymaheedu yahay kii ugu balaarnaa ee soo mara taariikhda casriga Sweden. Howl-galka la xiriira dhinaca qaabeeynta howlaha (logistikada) ayaa dhibaato weyn ku ah degmada. Shaqaalaha degmada ayaa shaqeeya har iyo habeen iyagoo ku howlan sidii meel ay degaan loogu heli lahaa dadka laga daad gureeyey guryahooda iyo caawinta howl-galada badbaadada.
Howl-galka kala duwan ayaa kharashka ku baxayaa yahay mid aad u badan. Ugu danbeynta inta uu noqon doono kharashka guud waxey ku xiran tahay mudada uu dabku sii ololi doono iyo inta ay le eg tahay taageerada dhaqaale ee degmadu ka heli doonto dowladda.
somali@sverigesradio.se
Add comment