Waxa jirta xikmad tidhaahda”you understand a play only when you have performed” waxa kala duwan sida qofku u heysto ama ka aaminsan yahay marka uu shaqada diba da ka joogo iyo wejiga ay yeelan karto marka uu guda galo.dad badan oo siyaasiyiintu ay ugu muuq dheer yihiin waxay ku taamaan ama ay isu heystaan in ay noqon doonan kuwo soo bandhigi doona qorshe hawleed dadka raaligeliya,hase ahaate marka fursa dii ay ku tamayeen ay soo marto, waxay u shaqeeyaan si ka fog sidii ay ku hamiyaay en ama laga filayeyba.
Maxaa innaga khaldan ma siyaasada innaga khaldan mise siyaasiga,mise siyaasadina ma jirto,siyaasina ma jiro.ma la odhan karaase siyaasad cadd oo inoo qeexani wey jir taaye,siyaasiga ayaa dhaawacaya? waxa kale oo iyaduna u baahan fahan, in aynu og aano arin ah,ma siyaasiga ayaa siyaasada keena,mise siyaasada ayaa siyaasiga hagta oo keenta.
Siyaasiyiintu marka ay bilaa camalka yihiin ee aanay talo haynin waxay dhaliilaan maa mulka markaa jira,waxaanay yidhaahdaan ama soo jeediyaan fikrado ku salaysan sidii dawladu wax u qaban lahayd,shacabkana way soo jiitaan hadaladoodu,laakin marka ay talada iyo xilkii ay doonayeen qabtaan wixii ay odhan jireen ha la qabto ma fuliyaan, waxaanay la mid noqdaan sidii kuwii hore ee ay cambaareyn jireen.maxaa haddaba ug u wacan isbedelkaasi?ma markii hore ayuu siyaasi ahaa,mise marka uu xilka qabtay ay uu siyaasi noqday?mise marna siyaasi maaha ee waa danayste la iska fahmi laayahay?
siyaasiyiin badani marka ay xisbul xaakinka la joogaan wey aamusaan,amaan mooye w ax kalena shaqada uguma jirto,laakin marka laga soo tuuro jaran,jarta waxay judhiiba bilaabaan aflagaado, dhaleeceyn, iyo maamul xumo markii hore ay dadka u qarin jiree n.qaar kale oo mucaaridka ka tirsana sida ay u hadlayaan ee ay wax kasta u cadeyna yaan ayuunbay xisbul xaakim-ka u galaan iyaguna aamus-bay qaadaan.
Fahanka siyaasada iyo waxa aynu inagu isdaba wadna fahanka dadka siyaasada loogu shaqeynaayo,siyaasigeenu wuxu xooga saara sidii uu u fahmi lahaa shacabka,taasina waxay ku soo saartaa barashaqada qabiilka iyo qabyaalada,kadibna wuxu soo bandhi gaa siyaasad markaasi ku salaysan sida uu wax u fahmay dadkana u arko.
U fiirso wejiyada ku cusub garoonka siyaasada lagu ciyaaro ee xilka loo dhiibay,intooda badani waxay shaqo siyaasadeedkooda ku bilaabaan hadalo runtii gef ah,oo shacabka kala dila,sida imikaba qaar la magacaabay laga arkay.
Wadyow badan oo la fakir ah bulshada ayaa jira inta aaney xilqabanin,kuwaasi oo sha cabkooda la wadaaga afkaaraha kala duwan ee la xidhiidha maamul wanaaga iyo siyaa sada,goobaha la isugu yimaado, tv-yada iyo shabakadaha wax lagu qoraba waxaad ku arkeysaa qaar ka tirsan bulshada oo ka hadlaya ama wax ka qoraya sida ugu haboon ee wadanka loo maamuli karo iyo nidaamka siyasadeed ee wadanku u baahan yahay ba.dadkaasi haddaba sidaasi u hamiga wanaagsan maxay isu badalaan,marka ay xilkii iyo taladii ay doonaayeen qabtaan.ma dantiisa ayuu watay imikana wataa,mise markii hore ayuu danta guud fahansanaa oo imika ayuu dan gaar ahaaneed u leexday.
Waxa qurux badan in la isla fahmo meesha wax ka khaldan yihiin,haddii ay tahay siyaa ad xumo ama siyaasi xumo,shacabkana runtii waxa la gudboon in ay gartaan meesha dantu ugu jirto oo ah markasta in ay wada gartaan iskuna waafaqaan wanaaga, shak hsiga wanaaga wada iyo meesha wanaagu ku jiraba
W/Qorey Faysal Gele
Sweden
Add comment