December 7, 2019

Akhristow: Siyaasadu waxaa ay leedahay macno fara badan, laakiinse aan ku soo gaabiyo dhoor arimood.
1 siyaasad wacan
2 iyo siyaasad xun

Hadaba siyaasadu marka la qeexayo waxaa lagu macneeyaa in leeys waafajiyo wax yaabaha is diidan, sidda in la dhex dhigo dadka is qilaafsan hishiis, nabad jaceeyl iyo wadda noolaansho,
tussaale ahaan qofka doonaya in uu noqddo siyaassi waxaa looga bahan yahey sidan.fuaad

1 )waa inuu yahey qaf simcad aad iyo aad u wanaagsan uu ku leeyahey bulshada uu la nool yahey , waliba ariamaha bulshada, uu yahey qaf il dheer u leh isku keenashaha buslahada,. waa inuu yahey, shaqasi aad u masakax badan oo 100/100 jaceyl inuu dadka ka shaqeeyo, horumerkooga, iyo wax qabad kooga, waa inuu yahey shaqsi, ku shaqeeya (CADDAALAD) isla markaana la yimaado , karti, iyo wanaag, uu u hayo hilimiladiiisa uu rabo inuu gaadho,waa inuu (ILAHEY KA BAQO.)ogaadana hadii uu waxaa rabao ku maamuli waayo sinaan iyo kala dambeeyn, inuu ilahey kala xisaabtamayo.
2) waxa kaloo laga doonayaa in uu aqoon waafi ah u leeyahay siyaasada soona akhriyey kutubo faro badan ee ah kuwa uu jecel yahay iyo kuwa uusan jecleeyba, Waa in uu yahay qof xalin karo dhibka markaasi yaala ee jira noqdaana {dadka looyeedho marka dhibtu jirto}, markaasi ayuu u jeesan karaa dowsgii siyaasadeed ee maamulka iyo kala dambeeyntaba laheeyd, noqonaayana qof qadarrin ku dhex leh bulshaweeynta kana qeeyb gali kara doorashooyinka xorta ah ee cadaalada ku dhissan.
waxaa kaloo iyana mudan in la xuso ama mudan qafka wax raba inuu ogaado taariikhdu in ay iyadu is qorta, oo ifineeysa wax yaabaha jira waqtiga la taagan yahay kana sheekeeysa waqtigii horre, midka la joogo iyo mustaqbalka soo socda, dhab ahaantiina ma dhacdo mar marka qaar in si dhab ah loo qeexo waayo?
Waxa kaloo iyana looga baahan yahey inuu noqdo qaf dacad u dadkiisa iyo dalkiisa iyo diintiisaba, qofka siyaasigga waa in uu ku kalsoon yahay Allahiisa weeyn, muujiyana kalsoonida uu ku qabo nafsadiisa. Siyaasigu waa in uu leeyahay mabda ama mowqif uu aminsanyahay kuna toosnaado mabda’iisa.
Haddaba aqristow waxaa lama huraan noqotay in leeyska kaashado arrimahaasi dhibta iyo xanuunka badan waana in si wadda jir ah loo ilaaliyo habsami u socodka siyaasada.

ADVERTISEMENT
Waa sidda ey sheegeene, waxaa soo raaca, u addeega bulshada, hanti dhowristta, hurromarrinta hantida guud, waayo? middnimaadu waa wax dan u ah bulshadda ayaddoo soo martay marxalladdo kalla duwan, {midnimadu waa siyaasadda yoolkeedda} waanna mirro ka dhashay aqoon laggu dheehay oo laggu beeray bulshadda dhexdeedda, waxeeyna soo martaa amma ka timaadda duggsiyadda wax barasho, wargeeysyadda , idaacaddaha, tv,yadda ,maktabaddaha, dicaayaddaha wadooyinka laggu muujiyo sawir ahaan ,aflaantta iwm.
Waanna in loo midoobaa qarameeynta dadka, dalka iyo diintaba, lana gaadhsiiyo heersare dhamaantoodba, halkaasi ayeeyna ka faracmmi karaan xisbiyo xor ah.
waaggaii horre jarmalka waxuu ku midoobey in uu noqddo wadanka ka talliya dunidda oo dhan in kastoo ey u soortoobi weeydey markii dambe, midnimaddu waa wax aad ka dhex arkeeysso muuqaal ahaan dabeecadda naggu heeraarsan, midnimaddu waa wax ku bilaawddo tiro ahaan ee isbiirinayo isuna roggayo tayo ahaana wax ku ool noqonkarta, tilmaan taassinna waxeey sameeyneeysaa markhaatinna u tahay waxa nool iyo waxaan nooleeynba hadey is biirsadaan , waxaan ku soo gaba gabeeynayaa , ilbaxnimaddu waa aan midoowno, aan is fahamnno aan wadda haddalnno , aan hishiinno.
Ilbaxnimmo la,aanta , midnimmo la,aanta maanta naheeysato, hadii ey noqon laheyd aqoon yari , maadi ah ama mida diinba ha ahaatee ayaa noogu wacan in aan midoobbi weeyno, naguna kalifay in aan galno tafaraaruq aan macno laheyn, dadkeeniina ku beeylahay dunnidda dacalladeedda maanta somali caloosheenii ayaa banaanka taal ma weeynaan arkeeyn in caruurteennii beeylaha tahay, aqoonina waddaniyadd waxa ay tahay.
Waayo dadkiinii waa weeynaa ayaan si waafi ah wax u baran axyaa wadani yaa waddanii , bal aaynu ogaanno walaalaheeyga somali in aqoontu ay tahay wax yaabaha lagu garto dhibta lagunna xaliyo, laguna gaaro horumar taas oo aan meel fog ka taagan nahay tusaal ahaan midoowga xubnaha jirka bini, aadamka waxaa ka dhasha nolol waayo haduu jirku xanuunsan yahay qeeyb ka mid ah jirka intiisa kale wey la xanuunsanadaan.
midoowga waa caafimaad, waa nolol, waa bar-waaqo waana horomar , guntii iyo gaba

Gabediiba aanu u qeexno si qun yar ah una barano culuumta diinigga iyo kuwa maadiga ahba eynu fahano waxa looga jeedo ereyga siyaasad ee yeeynaan noqon uun hab,ku soo dheh , sidi taqsi fuud kuleeyl.ah ku dhacay oo kale.
Waana in loo midoobaa wax kastaa oo wanaagu ku jiro.
middnimadda caalamiga ah waxeey ka dab qaadataa fikradaha caalamigga ah ee isku keena dadyoowga ee kala middabka ah iyo kala diinta ah sida dalka marakeynka baleega .
hawada nagu heeraarsan hadeey isbiirsato waa taa xamishay in aay diyaarad ku dhex duusho , biyaha kolkeey is biirsadaan waa kaa markabka dulsabeeynayo caradu ama (ciida) kolkeey isbiirsatay waa taa xamishay culeeys walba .
shinidu markey isbiirsatay waa taa malabka macaan soo saartay,wadamadii gumeeystaha ladagaalamijirayna markeey u midoobeen in aay iska caabiyaan cadawgooda waa kaa ey xornima heleen sidda wadammo baddan oo afrikaan ah.

W/ QOREY Faysal Gele

SWEDAN

Faysal Gelle

View all posts

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *