December 7, 2019

Isku Aadka Xulalka ka qeyb galaya Koobka Aduunka 2018-ka oo La sameeyey.

Waxaa Goordhaw Wadanka Ruushka ka dhacday Xaflad la isugu Aadinaye Heerarka Xulalka usoo gudbay Koobka Aduunyada ee sanadka soo socda 2018-ka Ruushka Marti Gelinayo.

Xafladda waxaa Daah furay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Fifa Gianni Infantino, waxaana Koobka Aduunyada Wareejiyey Miroslav Klose oo kamid ahaa Halyeeyadii Jarmalka Maadaama Jarmalka uu qaatay Koobkii aduunyada 2014-kii ee lagu qabtay Brazil.

Rug Cadaayaal Hore ayaa lagu Marti qaaday Sameynta isku Aadka waxaana Kamid ahaa:- Diego Armando Maradona oo Argentina u dhashay, Carles Puyol oo Spain ah, Fabio Cannavaro oo Talyaaniga u dhashay, Marcos Cafu iyo Halyeeyo kale.

Group A: Russia, Saudi Arabia, Egypt, Uruguay

Group B: Portugal, Spain, Morocco, Iran

Group C: France, Australia, Peru, Denmark

Group D: Argentina, Iceland, Croatia, Nigeria

Group E: Brazil, Switzerland, Costa Rica, Serbia

Group F: Germany, Mexico. Sweden, South Korea

Group G: Belgium, Panama, Tunisia, England

Group H: Poland, Senegal, Colombia, Japan