February 8, 2023

Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 8-maalmood oo qura,Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka.1930-kii ilaa 2014.

?FIFA World Cup, waa dhacdada ciyaarta ugu weyn Adduunka, waxaa la soo bilaabay taariikhdu markey aheyd 1930kii iyadoona la ciyaaray koobkan 20 jeer xili dhawaan la qaban doono markii 21-aad ee tartanka kubbada cagta aduunka oo ka dhici doona dalka Russia.

?Koobka Adduunka waa tartan heer caalami ah oo ay ciyaaraan xiriirada kubada cagta aduunka ee hoos yimaada FIFA.

?Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid ciyaarista koobka aduunka sanadihii 1942 iyo 1946 markaa uu socday dagaalkii labaad ee aduunka .

HADABA MAXAADAN OAGEYN?

?Difaacadayaasha horyaalka aduunka waxaa hadda ah xulka Germany, kuwaa oo afar jeer heysta koobka xiligii ugu dambeysana waxey qadeen dhacdadii 2014 ee Brazil marti galisay.

?Koobkan ayaa laqabtaa 4tii sano mar waxaana marti galiya hal wadan.

?Xulalka ka qayb galaya ayaa soo ciyaara kulamo isreeb-reeb qaaradood ah ugu dambeyn ayey usoo baxaan koobka aduunka 32 dal uu kamid yahay marti galiyaasha oo aan ciyaareenin wax isreeb-reeb ah .

?Xulka ugu badan ee ku guulaystay tirada ugu badan waa Brazil oo 5 jeer hanatay

?Ciyaaryahanka ugu goolasha badan waa mireslav klose oo u dhashay Germany kaasi oo dhaliyey 16 goal.

?markii 21 aad ayaa la qaban doonaa tartankaan oo lugu marti galin doono Russia waxaana la daah furidonaa Khamista so adan 6:pm Russia vs Saudi Arabia.

LA SOCO QEYBATA 2AAD

Saadali yaa ku guuleysan dona CUPKA? #Argentina

W/Qorey Faysal hirsi Gele

swedan

Faysal Gelle

View all posts

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *