February 8, 2023

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa wax walba u samaynaya sidii ay kubbada cagta uga dhigi lahaayeen mid nadiif ah oo cadaalad ku salaysan waxayna si taas garsoorka looga caawiyo sameeyeen qalabka casriga ah ee muqaal caawiyaha garsoorka ee VAR loo soo gaabiyo, iyada oo markii ugu horaysay tartan caalami ah si rasmi ah looga hirgaliyay.

Isticmaalka VAR waxa uu dood badan hore uga soo dhaliyay kubbada cagta intii uu tijaabada ku soo jiray laakiin horyaalada Germany iyo Talyaaniga ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay si buuxda u soo isticmaalay halka xili ciyaareedka cusub ee soo socda laga hirgalin doono horyaalka Spain oo muran badan oo dhinaca garsoorka ahi uu ka jiray.

Laakiin haddaba muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ayaa rekoodh iyo taariikh cusub ka abuuray koobka aduunka kadib markii uu sabab u noqday in rekoodhayaashii ugu badnaa abid koobka aduunka la dhigay iyada oo aan xataa wali la soo gaba gabayn wareega saddexaad ee heerka Groupyada tartankan.

36 kii kulan ee ilaa hadda laga soo ciyaaray koobka aduunka waxa uu qalabka VAR sabab u noqday in la dhigay 20 rekoodhe taas oo ka badan rekoodhkii abid ee koobka aduunka xulka ka qayb galayay loogu abaal mariyay rekoodhayaal, waxaana hadda muuqata in rekoodhkani uu sii socon doono maadaama oo ay kulamo badan ka hadhsan yihiin Russia 2018.

Faysal Gelle

View all posts

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *