February 8, 2023

Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabay Illaa Afar Agaasimayaal Guud, kuwaasoo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir.

Magacaabida Agaasimayaasha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ah mid cusub oo ah markii u horeysay oo Agaasimayaal Guud uu yeelanayo Gobolka Banaadir, kaddib burburkii, waxaana horay u jiray Agaasime waaxeedyo.

Agaasimayaasha Guud ee la magacaabay oo ah afar agaasime guud ayaa waxaa helnay magacyada labo Agaasime Guud oo ah Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda oo loo magacaabay C/fataax Cali Xasan.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ayaa loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo ahaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana sida muuqata uu sidaas ku weynayaa xilkii Afhayeenimada oo sii heynayo illaa Afhayeen cusub laga soo magacaabayo.

Waxaa la filayaa in la magacaabo Agaasimayaasha Guud ee Maamulka iyo Maamuliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada.

Agaasimayaasha Guud ee afarta ah ayaa waxaa hoostagi doona Agaasimayaasha waaxyaha dowladda hoose ee horay u hoos-tagi jiray Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir.

Add comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *